Harakooga waxaa sidoo kale loo yaqaan, white bean (digirta cad) amaba Navy bean. Somalida qaarkoodna waxay u yaqaanaan (Dahabiga). Magacee ayaa looga yaqaanaa deegaankaaga?
Harikooga waxaa lagu tiriyaa cunto faa’idada badan xambaarsan isla markaana la awoodi karo.
Dahabiga waxaa laga helaa maaddooyin muhiim u ah jidhkeena sida borotiin, bir (iron), fiitamiinnada B1 iyo B6, folate, zinc, magnesium, phosphorus, potassium iyo calcium. Kuwaas oo gacan ka geysta difaaca jidhka, hagaajinta dheefshiidka, hoos u dhigidda kolestaroolka iyo ilaalinta caafimaadka wadnaha. Harikoogu sidoo kale wuxuu xoojiyaa murqaha, lafaha, iyo shaqada maskaxda, wuxuuna yareeyaa dhiig-yarida, hurdo la’aanta iyo diiqada, taas oo ka dhigaysa cunto nafaqo leh oo si weyn uga qayb qaadata caafimaadka guud ee jidhka.
Waa kuwan qaar kamida faa’iidooyinka dahabiga ah ee laga helo Haeikooga.
Harakoogu wxuu ka mid tahay cuntooyinka baalayda ah, waxaana ku jiro waxyaabo badan oo uroon caafimaadka dheefshiidka, harikooga way sahlan tahay in calooshu dheefshiido, wuxuu ka hortagtaa calool istaaga, wuxuu hoos u dhigaa kolestaroolka, wuxuu kaloo yareeyaa halista cudurrada wadnaha iyo kacsanaanta sokorta.
Harikooga waxaa lagu tiriyaa cuntooyinka ugu badan ee laga helo wal-xaha sunta ka saaro jidhka, diraasad lagu sameeyay 100 cunto oo laga helo maadadaan sunsaaraha, harikooga ayaa noqday midka ugu horeeya.
Dahabigu wuxuu qani ku yahay xadi badan oo barootiin ah, kaas oo inaga caawiya koritaanka murqaha, dib u cusboonaysiintooda iyo guud ahaan wanaajinta shaqada jidhka. sababtuna waa borotiinka ka buuxo, hal koob oo harakoo ah waxaa laga helayaa 15 mg oo borotiin ah.
Harakooga waxaa ka buuxo xadi badan oo (Iron ah) birta, qofka joogteeyane isma arkaan dhiigyarida, waana sababta loogula dardaarmo hooyooyinka uurka leh iyo caruurta oo u baahan bir badan inay ku dadaalaan cunisteeda.
Harikoogu waxyaabaha ka buuxo waxaa ka mid ah fitamiin B1 oo loo yaqaano “Thiamine”, fitamiinkaan wuxuu aad ugu roon yahay caafimaadka maskaxda, wuxuu kordhiyaa foojignaanta, xasuusta, wuxuuna ka hortagaa hurdo la’aanta iyo diiqada. waxaa kaloo la arkay in harikoogu yareeyo halista cudurka xasuusta lumiyo ee “Alzheimer’s disease”.
Harikoogu wuxuu adkeeyaa lafaha maadaama oo uu xambaarsan yahay waxyaabaha ay lafuhu u baahan yihiin, wuxuu kaloo yareeyaa baruurta aan jidhka faa’idada u lahayn, sidaasne wuxuu ku yareeyaa cudurrada wadnaha ku dhaco.
Harikoogu wuxuu ka mid yahay cuntooyinka faa’iidooyinka badan laga helo balse aysan ku baraarugsanayn badi dadkeenu, halka qaarkeen kale dhibsadaan cunistiisa balse ay ka warqabaan faa’iidooyinka uu caafimaadkena u leeyahay.

